Wasiirka Gaashaandhigga oo ka qeybgalay furitaanka qandaraasyada keenista iyo qeybinta raashiinka

ciidan
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Kooshin ayaa ka qeybgalay xafladda furitaanka Qandaraasyada keenista iyo qeybinta raashiinka iyo shidaalka qeybaha amniga Qaranka Soomaaliyeed, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qayb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaasha Ciidamada Qalabka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo munaasabadda ka qeybgalay ayaa sheegay in loo baahanyahay in tartanka si daah-furan loo qaado , isagoo xusay in shaqada loo tartamayo loo qaban-doono Ciidamada Qalabka Sida, loogana baahanyahay shirkadda ku guuleysata in ay dhowrto tayada Cuntada, xil gaar ahna ay iska saarto fulinta heshiisyada lala galay , isagoo Xusay in wasaaradda maaliyadda iyo Gudiga loo Xil saarayna looga baahanya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.