Sidee Soomaalidu U Taqaan Saxaafada Xorta iyo Been abuurka W/Q Dhiblaawe

axmedmadoobe

Waxaa dadka Soomaaliyeed iskaga qaladan waxa loo yaqaano beenabuur,saxaafad xor ah,banaanbax iyo fowdada,afarta erey labo waa wax dumin oo micnahoodu ma kala duwana labana  waa wax dhisid,aan sii kala qeexee labada eray ee beenabuur iyo fowdo waa wax dumin waana wax ka xaaransan Diinta Islaamka iyo hananka dunida ilbaxday.

1-Beenabuurku waa samayn war aan jirin oo ah wax lagu sameeyo qudbado ama qoraal sida ficil afeed ama  qoraal gacmaha lagu sameeyo oo aan ereyo qoran kaliya ahayn ay ku jiraan lacagta iyo waxyaalaha qaymaha leh ee la beenabuuro ama macmal u eg la sameeyo.

2-Fowdo waa ficil af iyo adinba ka imaan karo looguna talagalay in lagu burburiyo nidaamka shaqeeynaaya ee isku haya bulshada Meesha ku wada nool,af iyo adin labada waa looga qaybqaadan karaa.

3-Saxaafada xorta ah waa warbaahin sida raadiye,teleefiishin iyo wergeys.waxaa sharciga aduunka ka yaalaa xaaraantinimaynayaa in ay faafiyaan been aan sal lahayn,ayyada oo waxa jira sheegaaya khalad iyo sax  kuu yahabay,waxaana halkaas ku jira in waxa khaldan ciddii ay qusaysaa saxdo.wixii saxana la taageero ,warbaahintii xataa war aan sax ahayn ka baxo sikasta  haw dhacdee waxay bixisaa cududaar(ABOLOGISE) haddii ay dhici weydana waxay ku mutaysan karta ciqaab sida in shatiga laga qaado,ama dacwad lagu soo oogo.

4-Banaan bax waa wax dhisid waayo koo xgaara ama bulshada Meesha ku wada nool baa cabashadooda ku soo gubiya,waxayna keentaa in cida ay qusayso cabashadaas waxa qaldan saxdo ,ogaada hayadahan amnigum waa in ay og yihiin cida dhigeysa iyo Meesha ay ku dhigayaan,si boolisku amaanka dadkaas u ilaaliyo,waana dhici kartaa in loo diido sababa amni darteerd

Aan dulucda u dhacee bilahaan danbe mas,uuliyiin,xildoonayaal iyo kuwo shacbiya waxay aad ugu hawlan yihiin dhiiragelin dagaalo sokeeye,kala tag iyo kala googo,ida dalka Soomaaliya ayyaga oo adeegsanaaya shirar iyo tiifiiyada,waa qaade iyo qarshe ka fawdada dhiirigelinaaya iyo kan ka duubay maha  saxaafad xor ah waayo waxaa ka dhalan kara dhimasho ,dhaawac iyo burbur hantiyeed,tilaabo deg deg ah oo ka hortag ah baa u furan hay,adaha amaanka.

Waxaa ii muuqatay in tilaaba kasta oo dalka wax tar u leh ee la qaadaay been laga sheegaayey(TAFSIIR GURACAN),bal eega dawladahii dhismaha ciidanka gacan naga siinaayey baa dacaayado laga samaynaayey,kuwii deynta naga cafinaayey,maxaabiistii debada laga soo celiyey iyo ugu denbayn arimihii hadda la shaacinaayo in lagu laayey ciidamadii tababarka loo diray dagaal dal shisheeye,xeerilaalinta iyo hay,adaha amaanka waxaan u soo jeedinayaa in lala xisaabtamo dhinacyada ay qusayso,dawladu waa mahadsan tahay haday beenisey caddayn maqal iyo muuqaala ha ku darto.sidoo kale kuwii beenta intaas le,eg u bareeray waa in ayyan ku badbaadin ee la ciqaabaa.

Fiiro gaar ah anniga waxaan ku noolahay dalka UK ,dawlada iyo qof mas,uula iska daaye naftayda been kama sheegi karo waana denbi iyo maxkamad,sidaas awgeed Sooamaalidu waa in ayyan fowdada iyo been abuurka ku tilaamin saxaafad xor ah,annigu waxaan dhihi lahaa waa ilabaxnimo xumo.Sidoo kale sida qofka yiraahda wax baan dilaa ama dagaal baan ridaa lama sugo intuu ficil sameeyo ee waa qabasho iyo maxkamad isku day ficilkaas baana lagu eedayn.

Waxaan hubaa ficiladaan xeerkii ciqaabta Soomaaliyeed denbi bay ahaayeen maxaa lagu dhaqaa dalka maanta?Ugu denbayn dadka caadeystay arimahaas waa in bulshada laftigeedu ciqaabtaa oo tuke cambaar leh ka dhigtaa.

Wabilaahi Towfiiq.

Dhiblaawe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.