Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Safiir kuxigeen Sweden

jamaal

Wasiirka Qorsheynta XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiir ku xigeenka dowladda Sweden Petra Smitmanis Dry oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dalka.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay dar-dar-galinta mashaariicda ay dowladda Sweden ka waddo Soomaaliya waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha hay’adda istaatistka Qaranka iyo xubna ka socday safaaradda Sweden ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in dowladda Sweden laga filayo in ay sii xoojiso saacidaadeeda ku aadan Dhinacyada Caafimaadka, Awoodsiinta Haweenka iyo dhallinyarada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.