Qarax lagu dilay Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka dhacay

qarax

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax wadada dhinaceeda la dhigay uu qabsaday gaari ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan deegaanka Garasbaaleey.

Qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay sida Wararka Nagu soo gaarayaan  guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo siyaasada  deegaanka Garasbaaley Cali Maxamed Jareere iyo  guddoomiyihii ururka dhalinyarrada Cabdirashiid Dubad waxaa kaloo ku dhintay Labo ka tirsan ilaalada Masuuliyiintaas.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxaase loo malaynayaa inay ka dambeeyaan kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.