Sawiro:Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa xariga kajaray Qoraxey International School

school

Dugsigani oo ay kubaxday lacag dhan 30 milyan oo birr ($680,000) ayaa lagu dhisay Isku-tashi, Iyo Wadajir, waxaana qorshihiisa lahaa Qurbajoogta udhalatay Gobolka qoraxey si ay ooga qaybqaataan dhaq-dhaqaaqyada horumarineed ee ay wado Dawladu.

Dugsigani oo kakooban G+2,24 qol ayna waxku baran karaan arday kabadan 1000 Arday, ayaa lasoo bilaabay sanadkii 2011 G.C, balse xukuumadii hore ayaa ujoojisay sababo shaqsiyadeed oon lagaranaynin, isbadalkii kadib ayaana si horle loo bilaabay taasi oo wakhti yarna lagu gabagabeeyay.

mustaf

Dugsigani Qoraxey International School ayaa waxbarashada kubilaabi doona KG-6aad balse dib ubalaadhin kusamayn doona ilaa dugsiga sare, waxaana lagu baran doonaa culuumta Diiniga iyo Maadiga halka macalimiinta waxbaraya ardaydana ay ka’iman doonaan dalka dibadiisa.

Madaxwaynaha DDS oo kahadlay xafladii furitaanka schoolkani ayaa sheegay in ay muhiimtahay in dadku waxqabsadaan, oo ay iskutashi layimaadaan, iyaga oo tusaale kaqaadanaya qurbajoogta gobolka Qoraxey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.