Maraykanka iyo Soomaaliya oo kawada Hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka kadhanka ah Shabaab

odawaa

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa  waxa ay kulan la qaateen Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa “AFRICOM” Gen. Stephen Townsend.

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka Milatari ee labada Dowladeed  iyo dardargalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, kuwasi oo ka socda qeybo ka mid ah goobaha ay Al-Shabaab kaga dhuumaaleysanayaan qaar ka mid ah gobollada dalka.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada Mareykanka ee ku aadan tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo tayada ciidamada qalabka sida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.