Gaari Rakaab ah oo lagu weeraray wadada u Dhaxaysa Guriceel iyo Balanbal

Gaari

Gaari rakaab ah oo ka soo baxay magalada Guriceel kuna Sii Jeeday degmada Balanballe ee Gobalka Galgaduud ayaa waxaa deeganka xirsi lugey wadada ugu galay dabley Hubaysan waxaana ka dhashay Qasaaro.

Weerarkaan lagu qaaday gaari kusii jeeday degmada Balanbale Waxaa ku dhaawacmay gabar ka mid ah dadkii rakaabka ahaa, oo haatan dhaawaceeda lagu dabiibayaa Isbitaalka wayn ee degmada Balanballe.

Dhawaan bay ahayd markii wadada isku xirta Balanbal iyo Guriceel lagu dilay dad Shacaba iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.