Daawo:Ra’iisalwasaare Rooble oo sheegay in shaqooyinka muhiimka ah loo qaato shaqaalaha rayidka ah

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daahfuray kulan ku saabsan Dib u eegista, Qiimeynta  iyo Dib u habeynta Qaab-dhismeedka Darajooyinka iyo Mushaarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyay shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa yiri” Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hirgaliso siyaasadaha iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah dib u habeynta qaab-dhismeedka hay’adaha shaqaalaha rayidka ah iyo hannaanka maaliyadda”

Wasaaradaha Shaqaalaha, Maaliyadda iyo Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ah ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku ammaanay kaalinta baaxadda leh ee ay ka qaadanayaan dib u habeynta hannaanka maamul wanaagga, maaliyadda iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shaqooyinka muhiimka ah loo qaato shaqaalaha rayidka ah ee khibradda iyo aqoonta leh

“Sida aad ka warqabtaan xafiis kasta oo aad tagtid waxaa ku qoran la taliyeyaal ka mushaar badan shaqaalaha rayidka ah. Way wanaagsan tahay in la qaato dad khibrad leh iyo lataliyeyaal wanaagsan,laakiin haddana waa la tixgaliyaa shaqaaleheenna ma laga helayaa dad khibraddaas leh, Haa Waa laga helayaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo intaas ku daray in ay muhiim tahayin qof kasta oo dowladda u shaqeeya uu shaqeeyo ugu yaraan 8 saacadood ama ka badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.