Wasiirka arimaha Gudaha Galmudug oo amray in lasoo qabto kuwii dilka ka gaystay degaanka Xirsi lugey

waayeel

Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshidiinta Dowladda Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac Cabdi-Waayel ayaa gaaray Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Socodka wasiirku uu ku gaaray deeganada waqooyi galbeed ee Galmudug ayaa daarnaa Xasilinta iyo nabad ku soo dabbaalidda deegaanadii dhowaan lagu dilay dadka shacabka ah.

Wasiirka ayaa la kulmay ciidamada 21aad iyo kuwa Gorgor ee halkaa ku sugan asagoona faray inay gacanta ku soo dhigaan dadkii dilka ka gaysatay deegaankaan Xirsi Lugeey iyo inay adkeeyaan amaanka guud ee deegaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.