Sawiro:Wasaarada qorshaynta oo Muqdisho kulan ugu qabatay Agaasimeyaasha guud ee dowladda

qorshanta

Wasaaradda  qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya  ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulanka Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowlada iyo hay’adaha Dowlada iyada oo ujeedkuna yahay   Soo Bandhigida  dib u eegista waxyaabihii u qabsoomay hay’adaha DFS 2020 e iyo qorshe howleedka 2021 10-Janaayo-2021.

Ujeedda Shirkani wuxuu xambaarsanaa ayaa waxay aheyd  Soo bandhigidda waxqabadka hay’adaha dowladda federaalka sannadka 2020 iyo soo gudbinta qorshe howleedka hay’daha dowlad ee 2021, iyo Dar-dar gelinta hirgalinta  Qorshaha Horumarinta Qaranka (QHQ9-Aad), iyo Joogteynta shirarka Agaasimeyaasha Guud iyo xog-hayaasha joogtada ah iyo amba-qaadista shaqooyinka Qaranka si loo xaqiijiyo gaarsiinta adeegyada dadweynaha.

Agaasimaha  guud ee Wasaaradda Qorsheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha  Mudane Cabdiqaadir Maxamed Aadan  oo daahfuray kulanka ayaa ka sheekayay ujeedada  uu xambaarsan yahay kulank, sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha dowladda, Ambaqaadka hirgelinta Qorshaha Horumairnta Qarana, isla markaana la xaqiijiyo hadafyada hirgalinta Qorshaha sanadlaha ah ee qoran.

Kullanka ayaa lagu gorfeeyay maxaa sanadka  qabsoomay, maxaa qabsoomin, kuwee socda  iyo kuwa la gaari waayay ayaa la soo bandhigay, marka loo fiirayo caqabdaha jiray ee sanadka 2020 dowlada Soomaaliya waxa ay gaartay halbeeg sare baqalkiiba 73% tasoo qeexayso shaqooyinka muhiimka ah ee la qabtay.

Sidoo kale waxaa layska gartay hanaanka oo muhiim u ah Qaranka kuwaas oo kala ah dhisidda kormeerka iyo Qiimeynta oo lagu cabbiro dhamaan waxqabadka  hay’adaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn, dib- u eegista waxqabadka hay’adaha dowladda oo lagu saleeyay Qorshaha horumairnta qaranka Soomaaliyeed,  tasoo lagu sameeyn doona saddex bilood, Lix bilood iyo  mid sananadla ah si loo horumariyo Adeegyada guud ee umadda loo qabanayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.