Daawo:Deni oo codsaday in gacan laga siiyo xal u helida sicir bararka

deni

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shir gaar ah oo looga hadlayo xal u helida Sicir bararka aafeeyey Dhaqaalaha iyo nolasha bulshada Puntland.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore Senator Cabdiraxmaan Faroole, Masuuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta, Bangiga Dowladda, Wasiiradii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh.

Sidoo kale waxaa kulanka waxaa ka qeybgalay Khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha, La taliyeyaal Madaxweyne , Saraakiil Madaxtooyo, Taliska Ciidamada Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha Puntland .

Deni ayaa ka codsaday Puntland inay gacan kasiiyeen sidii loo xakamayn lahaa sicir bararka curyaamiyey Noloshada Bulshada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.