Sawiro:Madaxwayne Guudlaawe oo Jowhar ka furay shir dib u heshiisiineyd

guudlaawe

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Jowhar ka furay shir dib u heshiisiineyd oo loo qabtay labo beelood oo wada dega degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka dib u heshiisiinta waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeele iyo odayaasha labada beelood oo la heshiisiinayo.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in nabadda laga wada shaqeeyo.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeele, Maxamed Cali Caadle ayaa dhankiisa sheegay in wasaaraddu howsheedu tahay dib u heshiisiinta isla markaana ku faraxsan yahay in meeshan ay wax soo gaaraan maanta.

Madaxweynaha Hirshabeele, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa sheegay in xooga la saari doono sidii loo dhaeyn lahaa colaadda raagtay ee u dhexeysa beelaha walaalaha ah.

Beelaha wada dega degmada Cadale ayaa waxaa ka dhex jirtay colaad raagtay taas oo galaafatay nolasha dad badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.