Madaxwayne Farmaajo oo u hambalyeeyey Ciyaartoyda Gobolka Banaadir

Farmaajo

Madaxweynaha JFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay ciyaartoyda xulka G/Baandir guusha ay ka gaareen Ciyaartii kama dambeysta aheyd ee ay la dheeleen dhiggooda Galmudug,isagoona ku boggaadiyay xiddigaha Galmudug ee hantay kaalinta Labaad ciyaar wanaagga ay soo bandhigeen.

Cayaarta kama dambeysta ahayd ee tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa galabta kulanka final-ka ah wada cayaaray xulalka kubadda Cagta Banaadir iyo Galmudug, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow waxayna Guushu ku raacday Xulka gobolka banaadir kuwaas oo rigoore kaga badiyey xulkii kale ee Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.