Sawiro:Wafti uu hogaaminaayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo gaaray Magaalada Garoowe

mahdi

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) iyo wafdi uu hogaaminayo oo goor dhaw gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka PuntlandMadaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay.

Mahdi Maxamed Guuleed waxaa ka wehlinayay wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana ka mid ahaa wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Duube ,wasiiru-dowlaha wasaaradda maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo xubno kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.