Daawo:Wasaaradda Ganacsiga oo kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

wasaradaganacsiga

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta kala diray rugta ganacsiga iyo Warshaha, kaddib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Sababaha loo kala diray Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomalaiya ayaa lagu sheegay dib u habeyn lagu sameeyo rugta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa sheegay in Wasiirka uu si KMG ah u magacaabay guddi ka kooban Guddoomiye, labo ku-xigeen iyo 30 xubnood oo matala ganacsatada Soomaaliyeed.

Guddiga KMG ah ayaa sii wadayo shaqada rugta ganacsiga inta laga diyaarinayo hannaan doorasho muddo ku siman 60 cisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.