Deni oo Xaraashtay Garoonkii Diyaaradaha Boosaaso

puntland

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyas Cusmaan Lugatoor iyo Madax ka socotay Shirkadda TISL ayaa ku kula saxiixday magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta Heshiis ay si rasmi ah kula wareegayso Shirkadda TISL Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Heshiiska oo dhigaya in Shirkadda TISL ay Hormarin iyo Balaarin ku sameyso Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa bilaaban doona bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2021, waxaana uu dhameystir u yahay Heshiis ay horey Wasaaradda iyo Shirkadda TISL ugu gaareen Magaalada Boosaaso.

Munaasabadda lagu saxiixayay wareejinta Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa waxaa Goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Puntland iyo Masuuliyiin ka socotay Shirkadda TISL.

Puntland ayaa horay Dekada Magaalada Boosaaso ugu wareejisay Shirkada P&O ee laga lee yahay Dalka Imaaradka taas oo waxba ka qaban waxii lagula heshiiyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.