Daawo:Booliska Caabudwaaq oo gacan kusoo dhigay nin dil iyo kufsi gaystay

cwboliis

Taliska Booliska Caabudwaaq ayaa ka warbixiyay ruux ay sheegeen in lagu tuhunsan yahay dilka hooyo maydkeeda laga helay duleedka magaalada Caabudwaaq.

Taliyaha saldhigga Booliiska Caabudwaaq Dhamme Farxaan Xuseen Xasan oo goordhow lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ruuxaan oo lagu magacaabo Jaamac Maxamed Yuusuf ay ku tuhunsan yihiin dilka Ubax Maxamed Yaxye oo la sheegay in ay ahayd hooyo uur leh saakayna meydkeeda laga helay duleedka waqooyi ee magaalada Caabudwaaq.

Taliyaha ayaa sheegay in la tuhunsanaha markii laqabanayay lagu soo qabtay Tooreey waxaana uu xusey in wali dhaqaatiirta ay ka sugayaan jawaabta ah in ay Uur lahayd Marxuumadda.

hoos ka daawo warbixinta wariye Cabdirsaaq Dheele.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.