Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe

axmedmadoobe

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo goordhaw gaaraya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa kusoo dhaweeyay madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaar ka tirsan labada golle ee Puntland.

Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka soo kictimay magaalada Kismaayo  waxaana magaalada garoowe kaga qeyb-gali doono shirka uu machadka cilmi baarista ee Heritage ku qaban doono magaalada garoowe .

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan midowga musharraxiinta madaxwaynimo ee Soomaaliya, xildhibaanno isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Ururada bulshada ayaa ka qeyb-gali doona shir,  kaasi oo muddo saddex maalin ah ka socon doona Magaalada Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.