Gudoomiye Cumar Filish oo ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay qaraxii Muqdisho

cumar

Guddoomiyha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka Tacsiyadeeyay qaraxii Xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa yiri.

“Inaa Lillaahi Wa Inaa-ILeehi Raajicuun.

Waxaan Murugada iyo Tacsida la wadaagayaa Dhamaan qoysaskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka baxeen Walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday dhacdadii waxuushnimada aheyd oo ay arxan laawayasha Argagixisada ah ka geesatay Maqaaxida Gelato Divino ee Degmada Wadajir.

Si umadeena ay ugu noolaadaan nolal ku dhisan Xasilooni iyo horumar waxaa dhamaanteena waajib nagu ah inaan u midowno la dagaalanka Argagixisada oo Had iyo Jeerba caadeestay daadinta dhiiga dad Muslim ah oo aan waxba galabsan”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.