Daawo:Barlamaankii Puntland oo aqbalay laaluushkii Imaaradka iyo Deni

Puntland

Baarlamaanka Puntland oo ay ahayd inay maanta ka doodaan hishiiska dekada Boosaaso ee P&O ee hoostagta DP Worldka ayaa aqbalay Codsigii Madaxwaynaha Puntland iyo Imaaraadka.

Barlaamaanka Puntland ayaa maalintii Khamiista ahayd waxay kulan qado la qaateen Madaxwaynaha Puntland waxuuna ka codsaday inaysan ka doodin heshiika lala galay Shirka imaaradka ee P&O kaas oo lagu dhisaayey Dekada Boosaaso waxaana ku yimid fashil kadib markii Imaaradka kasoo bixi waayeeyn balantii lala galay.

Barlamaanka Puntland ayaa Badalkeeda Qaatay lacag aan tiradeeda la sheegin oo ay bixiyeen Imaaradka.

Heshiiska lala galay Imaaradka ayaa dhigaayey in Afar sano Gudaheed lagu dhiso Dekada Boosaaso Waqtigaas oo dhamaaday hada wax dhismo ah oo lagu sameeyey dekada Boosaasana Majiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.