Guddoomiyaha golaha Shacabka Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Ku Biiray Shirka Musharrixiinta

mursal

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa 1aad Cabdiweli Sh. Muudeey ayaa caawa ku biiray shirka midawga musharrixiinta ee looga tashanayo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta.

Kulanka oo kamid ah kulamo xariir ah oo musharrixiintu la yeelanayeen siyaasiyiinta, dhaqanka, culimada iyo bulshada rayidka ah ayaa hadda ka socda hoteelka sedaxdii maalin ee tagtay ay ku shirayeen musharrixiinta.

Musharrixiinta ayaa ballaariyay dadka kasoo qeyb gelaya, waxaana shalay ilaa maanta ay si gooni gooni ah aragtiyadooda uga dhageysanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada oo fikirradooda ku biiriyay hannaanka ay dalka uga dhhici karto doorasho la isla oggolyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.