Soomaaliyeey War Helee Talo Hela

shiiq shariif

Waxaan filayaa qofkii ahkriya sumada sare ee qormadaydaan in markiiba ay maskaxdiisa ku soo dhacayso dhawr waxyaalood haddii uu afka Soomaaliga aad u fahmaayo,sida qaylodhalaan,dhiilo,diginin iyo wargelin waana sida ay tahay murtida aan cinwaanka ka dhigtay.

Aan idiin soo gudbiyo dareen kayga xambaarsan afarta eray ee aan kor ku soo sheegay oo aan la dhayalsan Karin oo dhiigu ka da,aayo,waxay Soomaalidu dhahdaa (WAXAASI WAA FARDO OO LAYSUMA QARIYO),marka u horeysa aan idin xasuusiyo in sodon sano ka hor dalkeena cadaw dumiyey asaga oo adeegsaday gacmahayaga oo aan ku macneyn karo in aanu ahayn (RAMUUD KONTAROOL) shisheeye hagaayey,waxaan ka dhaxalnay in aan burburinay dawladayadii dawladaha Afrika ugu itaalka roonayd hoggaankana u ahayd, malihi khalad majirin laakiin tilaabadii aan qaadnay ma ahayn tii wax lagu saxi lahaa,bal eega waxaan haysaney adeeg buuxa oo bulsho sida waxbarasho,caafimaad 1wm oo lacag la’aana iyo awood dawladeed oo aan cadawgayagu loodin Karin.

Afarsano oo aan weli dhammaan waxaa muuqanayso in aan soo kabaneyno,laakiin cadawgii Soomaalida oo intii kabadan kana farsama badan baa u tafaxaydan in uu damiyo iftiinka yar oo noo bidhaamaaya.halna Soomaalidu ha ogaato in wixii sodon sano ina ka dhumay iyo khaladaadkii aan galnay aan sanada iyo waqti kooban laga gudbi Karin ,waana tan mar kasta kuwa cadawga u shaqeeyaa ayyan u waayeyn daldalool ay ku ceebeeyaan mas,uuliinta dadaalka ugu jira soo nooleynta karaamada iyo shrafta ummadda Soomaaliyeed.

Aan dulucda u dhaco Meesha aan u socdaa waa kuwa musharaxiinta sheeganaaya oo ku shiraaya Mogadishoow ,Alle Unaxariiste Yamyam oo la hadlaayey kuwii Taliskii Mingiste ee Addis aaday baa yiri (BOOGTAYADA KAN DHAYAYAA MA BAXSADAHA WEEYAN) maantana waxaa inoo digaya adeer Jeneraal  Maxamed Nuur Galaal, haddii shalay murtidii Yamyam aan ka faa,ideysan  weyney yey naga hoos bixin mida Jeneraal Galaal, waa sagaashan jir ma laha dano u gaarah ee waxaa u muuqda musaqbalka lagu qamaarayo ee da,yarta,ila dhegeysta waa kane.

Waxaan marar badan ka digay kuweena sheegta barfasoorada iyo aqoon yahanada,Ayaan baan ku halqabsaday saddex barfasoor oo tuulada Tukaraq midba asaga oo meleesha beeleed hoggaaminaaya isaga horyimid oo taakuleyn dhaqaale iyo guubaabo beeleed ku bixinaayeen manta aan soo bandhigo mid la baxay Barfasoor Xassan, laakiin aan u bixiyey( XASSAN TANAG), hoos ka daawada.

Waxaa dhixtaal inooga dhigayaa Generaal Galaal iyo Xassan Teneg labada talo oo ay noo soo  jeediyeen kee qaadanaa?FADLAN SHARE DHAHA HADDII AAD DALKA IYO DADKA LIXIJECLO KAA HAYSO.

Wabilaahi towfiiq,

Dhiblaawe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.