Wasiir Khadiijo oo Jowhar u tagtay arimaha Doorashada

khadiijo

Wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gaartay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka labaad ee maamulka Hirshabeelle, Mas’uuliyiin,ururada bulshada rayidka ah bahda barbaarta gaashaaman ayaa magaalada ku soo dhoweeyay Wasiir Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wasiir Khadiijiyo Maxamed Diiriye oo soo dhoweyn ka dib la hadashay warbaahinta ayaa ku sheegtay ujeedka ay u timid Jowhar iney tahay ka qeyb galka doorashooyinka maamulka Hirshabeelle oo heer gabo-gabo ah maraya.

Sidoo kale, wasiirka garagaarka iyo maareeynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday iney si dhow ula socoto xaaladaha fatahaadaha ee ka jira deegaannada Hirshabeelle wax badana ay ka qaban doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.