Xubno ka tirsan Argagixisada Shabaab oo lagu dilay Jubboyinka

dagaal

Ciidamada Xooga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay gobolka Jubada dhexe waxaa ay ku dileen sarkaalkiil Al-shabaab u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan jabhadaha oo ah koox inta badan ay u adeegsadaan weerarada ay ka fuliyaan dalka.

Howlgalka ayaa ciidanka kumaandooska waxay ka fuliyeen deegaanka Caraboow oo qiyaastii 50-km ujira degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe halkaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen sarkaalka iyo 6 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, iyagoona dhamaantooda la toogtay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada kumandooska Soomaaliya.

Sarkaalkan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabayay Xasan Sufiyaan Qooreey waxaana uu ahaa sarkaalka guud ee al-shabaab u qaabilsan Jabhadaha.

Ciidanka xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee ay ku beegsanayaan saraakiisha iyo dagaalyahanada ka tirsan Al-shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.