Xildhibaannada Hirshabelle oo doortay guddoomiye cusub

luqmaan

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo goordhow ka bilaabatay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle ayaa waxaa ku guuleystay C/xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.

Xilka guddoomiyaha golaha wakiilada Hirshabeelle oo ay ku tartamayeen Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) ayaa waxaa 77 ku guuleystay C/xakiin Luqmaan.

Labada mas’uul ayaa kala helay

Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed: 77

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) :21

Xildhibaannada codeeyay ayaa gaarayay 99 mudane,Waxaa halaabay 1-cod.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.