Akhriso:Dowlada Soomaaliaya oo Hambalyo u dirtay Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya

hirshabeele

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumada Federaalka Soomaliya ayaa hambalyo u dirtay Guddoonka Cusub ee ay doorteen Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay hambalyo iyo Bogaadin u dirtay Guddigii Qabanqaabada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle, hay’adaha amniga oo suuragaliyey habsamida nabadgalyada Doorashada iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ugu dambayntii, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku dhiirigelisay Guddoonka Cusub ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.