Soomaali guulo ka gaaray doorashada dalka Mareykanka

ilhaan

Ilhan Cumar ayaa mar kale ku guuleysatay xubinnimada Aqalka Wakiillada Mareykanka, kaddib markii ay la tartantay musharrax ka socday xisbiga Jamhuuriga.

Musharaxiin kale oo Soomaali ah una tartamayay kuraasta golaha deegaanka ee gobolka Minnesota ayaa sidoo kale guulo ka gaaray doorashadii shalay.

Cumar Faatax ayaa noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee ka amid noqda aqalka sare ee gobolka Minnesota, wuxuuna ka guuleystay musharaxiin badan oo ka soo horjeeday.

Hodon Xasan iyo Maxamed Nuur ayaa iyana ku guuleystay kamid noqoshada aqalka hoose ee gobolka Minnesota.

Tirinta doorashada Madaxweyne-nimada dalka Mareykanka ayaa weli socta mana la shaacin cida guusha raaxday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.