Boosaaso oo maxkamad lagu soo taagay rag lagu eedeyey dil iyo kufsi

Bosaaso

Maxkamadda Darajad 1aad ee Gobolka Bari ayaa saaka la horkeenay eedaysanayaal ku eedaysan fal Kufsi iyo dil iskugu jira oo loo geystay gabar yar oo maydkeeda laga helay bishii hore bariga Bosaso.

Gudaha Maxkamada ayaa waxa ku sugan ehlada eedaysanayaasha, Qareeno iyo bulsho u timid dhagaysiga kiiskan oo si weyn looga hadal hayo Puntland gaar ahaan Bosaso.

Ragaan maxkamada Boosaaso la horkeenay ayaa lagu eedeyey dil iyo kufsi magaalada Boosaaso loogu gaystay gabar yar 24kii bishii Oktoobar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.