Sawiro:Galmudug oo heshiis la saxiixatay shirkado dhisaaya dekada Hobyo

shuuriye

Wasiirka dekedaha iyo Kalluumyesiga Galmudug Cabdinaasir Nuur Shuuriye ayaa maanta oo talaado waxa uu hishiis dhinaca sharciyadda Badda la saxiixday shirkadda Oriental Company oo ay ku mideysan yihiin seddex shirkadood oo turki, ingriis iyo soomaali isugu jira oo ku howlan dhismaha dekedda hobyo.

Hishiiskaan waxaa dhanka Galmudug u saxiixay wasiirka dekedaha iyo kalluumeysiga, Cabdisabir Nuur Shuuriye, halka dhinaca bariga ay u mataleen Crom ltd, hobyo investment ltd, indian ocean holding ltd.

Xafladda saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa holman fenwick willan (hfw), oo ah sharikad ka shaqeysa arrimaha sharciyada badda ee uk oo kala Talinaysa sharciga dowlad goboleedka Galmudug.

Shirkadda oriental ee fadhigeedu yahay london ayaa heshiiskan la gashay wasaaradda dekedaha iyo kalluumeysiga galmudug ka dib shirar xiriir ah oo bilihii la soo dhaafay ay la yeesheen wafdi uu hoggaaminayo wasiir Nuur Shuuriye, ”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda dekedaha qeyb ka mid ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.