Shirkii Golaha wasiirada Galmudug oo laga hadlay amniga iyo ladagaalanka shabaab

qoorqoor

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda oo maata looga hadlay qodobo kala duwan, laguna meelmariyey afar (4) Hindise sharciyeed.

Kulanka ayaa ugu horreyn warbixin la xiriirta amniga looga dhageysatay wasiirka Amniga Gudaha oo golaha usoo bandhigay qorshaha Dib u xorreynta Deegaanada maqan.

Golaha ayaa go’aamiyey in la xoreeyo deegaanka kujira gacanta argagixisada, Sidoo kale shirka ayaa lagu soo hadalqaaday falkii gurracnaa ee todobaadkan ka dhacay Cabudwaaq.

waxaana hoosta laga xariiqay in gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaadkii geystay fal-danbiyeedkaas.

Golaha wasiiradda ayaa go’aamiyey in si Daahfuran loo soo xulo Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaradaha.

Waxayna xilsaareen guddi ka kooban wasiiradda Maaliyadda, Shaqadda, Waxbarashadda, iyo Caafimaadka iney ka gacansiiyaan Hay-adda Shaqaalaha Rayidka DGM arrintaas.

Ugu danbeyntio Golaha ayaa kulankooda ku meelmariyey Sharciyada; Sharciga Nootaayada,Sharciga Guddiga Adeegga Garsoorka, Sharciga Kaluumeysiga iyo Sharciga Shirkadaha Ganacsiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.