Sawiro:Barlamaanka soomaaliya oo meelmariyay Hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Diiwaangelinta

mursal

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka dhismaha Hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, waxaana ogol ugu codeysay 143-mudane oo ah Xildhibaannada kulanka manta soo xaadiray.

Kulanka 3aad ee Kalfadhiga 8aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddoominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, iyadoo uu goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed.

“Waxa ogal u codeysey 143 Mudane, wax ka aamusay iyo wax diiday majirin, sidaas ayuuna sharci ku yahay” ayuu Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Dhanka Kale Xildhibaannada ayaa Akhrinta 2aad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka (Immigratin Bill).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.