Roobab hakiyey isu socodka gadiidka iyo Bulshada oo ka da’ay Muqdisho

roob

Roobab xalay ka curtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho oo aan heysan hoy ay ka galaan roobka.

Waddooyinka Janaraal Daa’uud iyo Soddonka ayaa kamid ah meelaha uu saameeyay roobka,gaar ahaan isgoyska fagax oo gabi ahaanba biyuhu fadhiisteen, taas oo sababtay in gaadiidku isaga gudbi waayaan labada dhinac ee waddada soddonka.

Qaar kamid ah gaadiidleyda ka xeeya moota bajaajta iyo caasiga ayaa sheegay in xilliyada roobabka ay dhibaato xooggan soo wajahdo inkastoo ay xuseen in waddooyinka qaar la hagaajiyay.

Sidoo kale dadka ku nool kaamamka barakacayaasha ayaa wajahaya xaalad adag maaddaama ay ku noolyihiin guryo ka sameysan cooshado oo aan gaabaad uga noqo Karin roobabka xooggan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wado dadaallo uu ku yareynayo saameynta ka dhalata roobabka ka da’o caasimadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.