Barlamaanka Soomaliya oo maanta ka doodaya xeerka jinsiyadaha iyo socdaalka

barlamaan

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa maanta ku yeelanaya Xaruntooda Villa Hargaysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in la dardargalin doono kulamada golaha, maadaama waqti xileedka xildhibaannada uu muddo kooban ka harsan yahay.

Ajandaha kulanka maanta ee Xildhibaanada ayaa ah Akhrinta saddexaad ee Hindise sharciyeedka Hay’ada diiwaangalinta iyo bixinta aqoonsiyadda iyo akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay Xildhibaanada u diray farriimo ku aadan inuu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulankaas oo saacadaha soo socda furmi doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.