Shiiq Shariif oo lagu soo dhaweeyey Jowhar

Shiiqhariif

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle.

waxaana halkaasi kusoo dhweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Socdaalka Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada qaran Sheekh Shariif uu ku tagay Jowhar ayaa ku soo aaday xilli lagu guda jiro dhismaha labaad dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Shariif waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya xubno xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo ay Deegaan doorashadoodu tahay hirshabeelle

Kulamo ayuu la yeelandoonaa qeybaha bulshada iyo mas’uuliyiinta Dowlad gobaleedka hirshabeelle sida ay sheegayaan wararka halkaasi naga soo gaaraya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.