Dhageyso:Maamulka Qansaxdheere oo ka warbixiyay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac

qarax

Maamulka Degmada Qansaxdhere ee Gobolka Baay ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax dad shacab ah ku waxyeeloobeen oo ka dhacay degmadaasi.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda Degmada Qansaxdheere Maxamed Mukhtaar Cabdi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa uu ku geeriyooday Guddoomiyihii hore Maaliyadda ee Degmada iyo labo qof,  iyadoo ay ku dhawacmeen saddex qof oo kale, kuwaasi oo la geeyay goobaha caafimaadka.

Mudane Maxamed Mukhtaar Cabdi ayaa xusay in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaariga guddoomiyaha, balse uu isagu ka badbaaday, waxaana ku dhintay saddex qof oo uu ku jiray Guddoomiyihii hore ee Maaliyadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.