Daawo:Qoorqor oo saxiixay shuruuc ay Barlamaanka Galmudug meelmariyeen

qoorqoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo saxiixay shuruuc dhowr ah oo uu Barlamaanka Galmudug meelmariyey dhawaan.Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada Galmudug ayaa madaxweynuhu ku saxiixay shuruuc muhiim ah oo kala ah.

1-Shariga Maarreynta Deegaanka

2-Sharciga Hay’adaha

3-Sharciga Dhismaha Booliiska

4-Sharciga Dowladaha Hoose.

Shuruucdan waxaa soo gudbiyay wasaaradaha kala ah; Deegaanka, Qorsheynta, Amniga, iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha& Dowlaha hoose.

Munaasabadda saxiixa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka DGM, Guddoomiyaha Barlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka, Xubno ka tirsan labadda gole, Garsoorka, La- taliyeyaal & Hawlwadeenno ka tirsan Madadaxtooyada.

Madaxweynuhu wuxuu Golaha Barlamaanka Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdan. isagoona xusay in shuruucdu ay gundhig u noqondoonaan in sifo sharci ah xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.