Jadwalka doorashada guddoonka Barlamaanka Hirshabeelle oo la shaaciyey

hirshabeele

Guddiga doorashada guddoonka labaad ee barlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta oo axad ah soo saaray jadwalka  doorashada guddoonka golaha wakiilada dowlad goboleedka Hirshabeelle kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Jowhar.

Yuusuf Sheekh xasan Macalin Jeelle guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka barlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle.

Maalinta beri ah sida lagu shaaciyay waxa ay noqon doonto qabashada araajida musharixiinta u tartmaya guddoonka barlamaanka .

3-da bisha oo ku began maalinta isniinta ayaa waxaa ay noqoneysaa hadal jeedinta musharixiinta u tartamaya guddoonka.

Maalinta xigta ee Arbacada ayaa loo asteeyay maalinta doorashada guddoonka barlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.