Madaxwayne farmaajo oo ka hadlay dhul gariirka kudhuftay Turkiga

farmaajo

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka  Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa ka hadlay dhul-gariirkii ku dhuftay magaalada Izmir ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay aad uga xun-tahay musiibadaasi, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay dhibaatada la qeybsaneyso shacabka iyo dowladda Turkiga oo dhul-gariirkaasi uu ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac  iyo burbur aad u xoog badan.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ku baaqay in la gacansiiyo shacabka iyo dowladda Turkiga oo haatan wajahaya xaalad adag ee ka dhalatay Dhul-gariirka.

Ugu dambey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu rajeeyey dowladda Turkiga inay Alle ku guuleeyo dadaalka gurmadka ee ay haatan wado.

Dhul-gariirkan oo cabirkiisu yahay 6.6 ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 26 ruux iyo dhaawaca boqolaal kale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.