Barlamaanka oo kalfadhigoodii 5aad yeeshay

Puntland

Fadhiga 5-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Maamulka Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxaa la gudo-galay qodobka 2aad ee Ajandaha oo ka hadlaya Warbixinnada Guddiyadda Golaha Wakiillada.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 43 Xildhibaan, ayaa waxaa si rasmi ah u furay
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Soo jeedin ka dib, Madax-guddiyeedyadda Golaha Wakiillada DPL ayaa codsaday in dib loogu dhigo soo jeedinta Warbixinnada Guddiyada illa maalinta maalinta berri ah ( November 01, 2020).

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa guud ahaan ugu baaqay shacabka Muslimiinta inay difaacaan sharafta Nabigenna suuban naxariis & nabadgalyo dushiisa ha ahaate, waxa uuna tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali karin in meel looga dhaco sharafta suubanaheena NNKH.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.