Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo ka qeybgalay Xilwareejinta Wasaaradda Warfaafinta

mahdi

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta Wasaaradda Warfaafinta ayaa bogaadiyay shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirrkii hore ee maanta xilka wareejiyey, waxa uuna kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaarada in ay sii wadaan qorshaha dib-u-habeynta Warbaahinta Qaranka iyo xoojinta isku xirka Warbaahinta iyo Dowladda.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayay iyo kuwa horyaalla Wasiirka cusub. Waxa uuna ku booriyay sii amba-qaadidda howlaha culus ee harsan.

Wasiirka cusub ee Warfaafinta Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in uu sii anbaqaado qorsheyaasha lagu horumarinayo warbaahinta dalka, iyadoo xoogga la saarayo doorka wacyigelineed ee warbaahinta dowladdu ay ku leedahay midnimiada, la dagaalanka fikirka xagjirnimada iyo kobcinta tayada saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Munaasabadda xilwareejinta kaddib, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka, si uu u dul istaago hannaanka shaqo iyo xalaadda howlwadennada Wasaaradda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.