Ilaaada Axmed Madoobe oo Kismaayo ku dilay Maamulihii shirkada Amal

Allaha U Naxariistee Cabdulaahi cabdisalaan Oo Ahaa maamulihii Shirkadda Iyo Bankiga Amal ee Magaalada Kismaayo Ayaa Maantey Ciidamo ka tirsan kuwa axmed madoobe gaar ahaan kuwa Nabadsugida ee uu hogaamiyo Khaalid Shekh Abdullahi ay ku Dileen Xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo Xili Uu U Socdey Masaajid Salaadii Duhur.

Dadkii goobta lagu dilay marxuumka joogay ayaa sheegey in asagoo lugaynayo una socdo masjidka uu ka dabayimid gaari oo beensal ah islamarkaana inta hor istaageen dhaheen istaag markii uu istaagayna lugta xabad uga dhufteen markuu dhacayna inta lasoo dul istaageen ay dhibibtireen.

Marxuumka ayaa 10 kii bishaan waxaa Lagu Xirey Xabsiga Nabadsugidda Axmed Madoobe ee Fiyaad Xiligaas oo ay waydiisteen Lacag 25 kun oo dollar oo baad ah taasoo ay sheegeen in lagu dhisayo darbiga madaxtooyada marxuumka oo ka caga jiidayo baada lacagta tirada badan ayaa la siidaayey wuxuuna qoyskiisa la wadaagay hanjabaad kaga tihid Madaxweynaha Sadexaad Lugadheere taasoo ku aadanayd baada lacagta, sidaasi darteed safar degdeg ah ayuu u aaday magaalada Muqdisho halkaas oo uu dhowr iyo tobon cisho joogay.

Allaha U naxariistee Marxuumka ayaa shalay dib ugu laabtay Kismaayo isagoo markii uu ka dagay garoonka Kismaayo ay ku carqalateeyeen Saraakiisha Axmed Madoobe u qaabilsan garoonka ugu danbeyna Maantay qudha looga jaray Kismaayo.

Allaha u naxariistee Abdullahi Abdisalaan ayaa lahaa labo qoys oo u daganaa Kismaayo wuxuuna ifka uga tagay 11 ilmood oo uu koriimadooda ku jiray maantase la dhigay aabo la’aan.

Dhanka kale 11 September qarixii kooxda alshabab ay ku qaarajiyeen Allaha U naxariistee Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Shaafi Raabi Kaahin islamarkaana ay sheegteen masuuliyadaasi ayaa waxaa Kooxda Axmed Madoobe ee ka arimisa kismaayo ay dusha u saareen marxuumka maanta Kismaayo lagu dilay beeshiisa taasoo keentay in dad badan ay baraha bulshada ku daabacaan dilka Shaafi Raabi oo ay dusha ka saarayaan beel gaar ah islamarkaana ay sheegeen in loo aari doono.

1 Comment

  1. Arinkaas dilka mafiicna axmad nimankas
    Gacanta hakudhigo dadka somalidu
    Hadaayano dadka waxagalka ah
    Oo aay laaynayaan hadii aad laysaan
    Dadka fiican oo bulshada cawiyo
    Dhib aad ubadan baa kadhando somaliyay
    Allaha unaxaristo dhaman dadkii ladilay as as xaqdaro asc

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.