Daawo:Odayaasha Dhaqanka Hiraan oo garay Jowhar

jowhar

Qeybta 3-aad ee duubabka dhaqanka Hirshabeelle kana qeyb-qaadanaya soo xulista Baarlamaanka 2-aad Hirshabeelle ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Odoyaasha dhaqanka waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Shabeellaha  Dhexe, Guddiga farsamo soo xulistq Baarlamaanka iyo siyaasiin.

Guddoomiye ku xigeenka gobalka shabeellaha dhexe Maxamed Cabdi Sheikh Xaandow iyo guddoomiyaha guudiga farsamo soo xulista Baarlaamnka 2-aad ee Hirshabeelle Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa waxay sheegeen in farxad wey ay utahay soo dhaweynta guddiga isla markaana kaalinweyn ay ka qaadandoonaan soo dhaweynta wafuuda imaaneysa magaalada jowhar.

Duubabka jowhar lagu soo dhawey maanta oo dhankooda hadlay ayaa waxay sheegeen in Hirshabeellada 2-aad ay dhisayaan maamlmaha soosocda iyagoona ku baaqay in laga wada qeyb qaato dadaalada lagu doonayo inay doorashada si xalaal ah ay uga dhacdo jowhar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.