Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir gudoomiyey shirka Wasiirada

laftagareen

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed oo Todobaadkan looga hadlay Xaaladaha kajira Deeganada Koonfur Galbeed iyadoo Warbixino kala Duwan laga kala dhagaystay Wasiiradaha Wasaaraddaha Amniga,Arimaha Gudaha,Howlaha Guud,Waxbarashada,Sportska,iyo Dekedaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Isaaq Cali Subag oo Warbixin Amniga ku saabsan ka jeediyey shirka ayaa ka warbixiyey Xaalada Amni ee Deeganada Koonfur Galbeed iyo Howlgalkii udambeyey ay Sameeyen Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60aad ee Fariisinka ku leh Degmada Diinsoor Waxaana Wasiirka Xusay in Howlgalka ay sameeyen Ciidanka ay kuso qabsadeen Hub sido kale Qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Maleshiyada Argigixisada Alshabaab Wasiirka Amniga ayaa sido kale Amaanay Ciidanka Amniga Magaalada Baydhabo sida ay Ufashiliyeen Qarax la Doonayey in lagu Dhibaateeyo Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo kaasi oo Xalay lagu fashiliyey Duleedka Magaalada Baydhabo lagana Hortagay Dhagarta Argigixisada ay ku dhibataynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Dowlada Koonfur Galbeed oo isna warbixin ku saabsan waxbarashada ka jeediyey shirka ayaa ka warbixiyey Sedaxdii bilood udambeyey Waxyaabaha uqabsoomay Wasaaradda Dhinacyada Baahinta Manhajka,Dib-udhiska Goobaha Waxbarashada iyo Udiyaargarowga Sanadaha soo socda sidii loo hormarin lahaa Waxbarashada Deeganada Koonfur Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Koonfur Galbeed Aaba,aawow Xaaji Suufi ayaa sheegey Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha inay Wado Udiyaar garowga ka Qeybgalka Koob Ciyaareedka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo lagu wado dhaamadka Sanadka in lagu qabto Magaalada Muqdisho Waxaana uu Tilmaamay Wasiirka in haatan Baydhabo Tawabar ugu socdo Qaar kamid ah Ciyaartooyda Xulka Koonfur Galbeed Dhowaana ay kuso Biiri Doono Ciyaartoydii kale ee laga so Xuley Gobolada Bakool iyo Shabeelaha Hoose Wasiir Aaba,aawow ayaa sido kale Xusay in Wasaaradda Dhowaan ay Bilaabayso Dib-udhiska Garoonka kubada Cagta Dr Ayuub ee Magaalada Baydhabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.