Sawiro:Maamulka Gobalka Banaadir oo xariga ka jaray wado Bulikeeti ah

wado

Guddoomiye ku xigeynka maamulka iyo maaliyada Mudane Axmed Xasan iimaan ayaa xariga ka jaray wado 700 mitir ah  oo dhawaan maamulka gobalka banaadir  saaray interlock wadadaan ayaa laga hirgaliyay degmada warta nabadda ee gobolka banaadir.

Munaasabada xarig jarka waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Marwa Basmo Camir Jakeeti, guddoomiyaha degmada warta nabadda Seynab Maxamed Warsame (Xaabseey) iyo guddoomiyaha Ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Barqab.

Dhismaha wadadaan ayaa ka dambeysay kadib cabasho ka timid dadka shacab ee xaafada iyadoo uu ka muuqdar bur bur xooggan hase ahaare waxaa kaloo qeyb-ka ah leerarka cadceeda ku shaqeeya ee soolarka oo laga horgaliyay hareeraha wadada si bilicda wadada kor loogu qaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.