Madaxweynaha Somaliland oo Xariga ka jaray Mashaariic Laga Hirgeliyey Burco

muse

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo gobolka Togdheer maalintii labaad ku jooga safar shaqo, ayaa maanta kormeeray mashaariic kala duwan oo laga fuliyey gudaha magaalada Burco, isaga oo sidoo kalena xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah oo laga hirgeliyey goobo muhiim u ah adeegga dadweynaha reer Burco.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo, ayaa kormeeray qaar kamid ah xarumaha muhiimka ah ee xukuumaddu ku leedahay magaalada Burco oo ay kamid yihiin xafiiska guddoomiyaha gobolka, dawladda hoose ee Burco, xafiisyada wasaaradaha waxbarashada iyo horumarinta maaliyadda, cusbitaalka guud ee Burco, xarunta wakaaladda Biyaha ee Burco iyo goob ganacsiyeed casri ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Burco oo ay maalgashadeen ganacsato reer Somaliland ahi, waxana uu u kuurgalay hannaanka ay bulshada ugu adeegaan xafiisyada dawladda ee magaaladu, isaga oo warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta qaranka u qaabilsan xarumahaas oo madaxweynaha iyo weftigiisa halkaas kusoo dhaweeyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.