Sawiro:Soomaaliya oo Deeq gargaara Garsiisay Dowlada Koonfurta Suudaan

suudaan

Safaaradda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudan oo kaashaneysa jaaliyadda wadankaasi ayaa 25 tan oo deeq ah gargaar ah oo ay ugu gurmanayaan dadka ku hanti beelay fatahaadaha wadankaas ka dhacay ku wareejisay dowladda K/Sudan.

Munaasabadda Wareejinta deeq raashin ah oo ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofurta Sudan iska soo aruurisay ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee caasimadda dalkaas waxaana ujeedku ahaa in bulshada Soomaaliyeed ay garab istaag u muujiso dadka reer South Sudan ee ku hanti beelay daadadka ku rogmaday Sudan.

Wareejinta raashinka waxaa ka qeyb galey madaxweyne ku xigenka koofurta Sudan mudane Hussien abdilbaqi akoul, wasirka arrimaha baarlamaanka, wasiirka warfaafinta, iyo madax kale oo ka tirsan dowladda wadankaas waxaana  deeqda ku wareejiyay safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalkaas Ambassador Xuseen Xaaji Axmed,madaxda jaaliyadda  Soomaaliyeed ee deeqda soo arrurisay ayaa Iyana goob joog ahaa.

Deeqda ayaa ka koobneyd 25 tan oo rashin nuucyo kala duwan ah waxaana la wareegay oo uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed madaxweyne ku xigenka dalka K/Sudan Hussien abdilbaqi akoul  waxaanu ku amaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkiisa kaalinta ay mar wlba ka qaataan ugar gaaridda walaalahooda koofurta Sudan.

Danjiraha JFS Xuseen Xaaji Axmed ayaa faah faahin ka bixiyey 25 ka tan ee raashinka ah ee safaaradda iyo jaaliyaddu ku wareejiyeen dowladda K/Sudan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.