Sawiro:Madaxwaynaha iyo Odayaasha koonfurgalbeed oo kulmay

lafatagareen

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo uu wehliyo Gudoomiyaha Barlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cali Saciid Fiqi ayaa kulan Saacado socday la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo uu kala hadlayey inay Doorkooda ka qaatan Hormarka Dowlada ay ku tilaabsatay iyo sidii si nabad iyo Cadaalad ah ugu dhici lahayd Arimaha Doorashooyinka Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya ee la qorsheeyey in lagu qabto Magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta -gareen ayaa ugu horeyn Warbixin kasiiyey Odeyaasha Xaalada Deeganada Koonfur Galbeed iyo Guulaha Laga gaaray Hormarinta Bulshada iyo Baahinta Adeegyada Dowlada Waxaana uu sidoo kale uu Xusay Madaxweynaha in Odeyaasha looga Baahanyahay inay ay Dardargeliyaan Arimaha so Xulista Ergooyinka Dooran lahaa Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

Odeyaasha Dhaqanka oo kulanka ka hadlay ayaa Dhankooda so dhoweyey Hormarada Dowlada ku tilaabsatay Dhinacyada Amniga,Kobcinta Dhaqaalaha,Waxbarashada Cafimaadka iyo kuwo kale Waxaana ay bogaadiyeen Dadaalka Madaxweynaha uu ku bixinayo sidii Bulshada loo Hormarin lahaa iyadoona sidoo kale ay xuseen in kan odeyaal ahaan ay diyaar uyihiin sidii ay uso xuli lahayeen Eegooyinka Dooran lahaa Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.