Sawiro:Qoorqoor oo xariga ka jaray Jamacad laga hirgaliyey Guriceel

guriceel

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaamniyo ayaa galabta soo gaaray magaaladaGuriceel ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka iyo shacabka degmada ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa magaalada Guriceel.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu daahfurayay Jaamacad cusub oo laga hirgeliyay magaalada Guriceel.

Madaxweyanaha oo xariga ka jaray Jaamacad Ceynul-Hayat ayaa sheegay inay muhiimadda weyn u leedahay Horumarinta tacliinta sare ee Galmudug.

Safarka madaxweynaha ayay ku wehliyeen xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug iyo masuuliyiin kale.

qoorqoor
fiqi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.