Fifa oo garoon caalami ah u aqoonsatay Garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho

ciyaar

Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa maanta garoonka kubadda cagta ee Muqdisho u aqoonsaday garoon caalami ah,  kaas oo marti gelin kara kulamada heerka caalami ah oo ay Xulka Qaranka dalkeena la cayaarayo xulalka kale ee dunida.

Xulka Qaranka dalkeena ayaa hadda kadib soo afjari doona kulamadi guriga u ahaa ee ay ku ciyaari jireen dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Jabuuti, waxaana wixii hadda ka dambeeya ay lugta labaad ku marti qaadi doonaan gudaha dalkeena Soomaaliya.

Wasaaradda Cayaaraha oo kaashaneysa bahda isboortiga dalka ayaa ku guuleystay inay dib u dayactir  iyo qalabeyn ku sameyso tuulada cayaaraha ee Muqdisho.

Sii Hayaha Wasiirka Cayaaraha iyo Dhallinyarada ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa soo dhaweysay in xiriirka kubadda cagta adduunka garoonka Muqdisho u aqoonsaday mid heer caalami ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.