Sawiro:Mucaaradkii Waare ayaa Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle ku soo dhaweeyay Jowhar

guudlaawe

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen oo mudooyinki la soo dhaafay shaqo u joogay caasimadda Dalka ee Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jowhar  isaga iyo wafdi balaaran oo uu hogaamirayay oo isugu jira laba Gole ee Baarlamaanka Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin hore oo xilal uga soo qabtay Hirshabeelle.

Guddoomiyeyaashii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar,iyo Cabdifitaax Xuseen Afrax oo soo dhaweynta wafdiga kadib la hadlay Warbaahinta ayaa waxay codsadeen in doorashada la soo dadajiyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele Sheekh Cismaan Barre iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Canab Axmed Ciise oo ka hadlay soo dhweynta wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa tilmaamay inay soo dhaweynayaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo xusay in socdaalkii uu ku joogay Muqdisho ay ku soo dhamaatay mid guul ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.